Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed ka dhacday Dalka Syria.

Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe kaasi oo Kooxda la magacbaxday khilaafada Islaamka ee ISIS ku biiray Sanadkii 2013-kii.

Faysal Cali Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa Xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku dhintay Weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka oo ka dhacay Dalka Siiriya.

Waxa uu sheegay in Wiilkiisa uu ku dhashay Dalka Filand. halkaasi uu muddo dheer uu ku noolaa Xaaskiisa iyo caruurtiisana ay u raaceen dalka Syria.

Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa kamid noqonayo tiro Soomaali ah oo iyaga oo Daacish ka bar bardaagalamaya lagu Dilo Dalka Syria.

Hoos ka Dhageyso Codka Faysal Cali Waraabe.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/eng-faysal-cali-waraabe.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post, Muqdisho

The post Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this