Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah Isimada Puntland oo Gaalkacyo Qado sharaf ugu sameeyay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Iyo Madaxwaynaha Dawladda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo Hadhimo Sharaf Quraaceed u Sameeyay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Iyo Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta 14 january 2018 waxaa martiqaad quraac sharaf ah u sameeyay Isimada beesha Tanade.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya, qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay Madaxda dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Beel kamid Beelaha Gobolka Mudug,

waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku sugan maalmihii udnabaysay Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugaga mahad celiyay isimada iyo Guud ahaan Beesha Tanade ee marti qaadkaan ku maamuustay madaxdooda.

Sidoo kale Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah ula yeeshay kulan looga hadlayey amaanka, xasiloonida, horumarka Magaalda Gaalkacayo iyo guud ahaan kan gobolka Mudug.

26230378_2059476857663167_64874483493416 26230959_2059477410996445_78800899244188 26231428_2059477277663125_88500002959353 26238774_2059476467663206_44675900712797 26239386_2059476084329911_87611454536129 26239386_2059476084329911_87611454536129 26239399_2059476150996571_15332579826266 26804807_2059477737663079_14037443821598 26805106_2059476910996495_27521643771206 26814649_2059476630996523_57623443105114 26814743_2059476034329916_48255732441059 26904017_2059476690996517_61970210779739 26229796_2059476390996547_39754719379448

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this