Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Soocadde,” Duulaanka maamulka Hargeysa kusoo qaaday Tukaraq waa duulaan qabiil oo dhul balaarsi ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde, oo wareysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi ayaa duulaan ku qabiil ku tilmaamay qabsashadii degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo ay qabsadeen ciidamo maamulka Hargeysa ka amar qaata.

Ex-Wasiir Soocadde ayaa sheegay maanta in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa difaaca iyo xoraynta gobolka Sool iyo meel kasta oo maamulka Hargeysa kaga sugan yahay xuduudaha Puntland.

Wuxuu sheegay dowladda Puntland iyo shacabkeedu inuu kasoo dhammaaday dulqaadkii iyo tixgalintii ay ugu jirtay inaanu daadan dhiig Soomaaliyeed, balse haatan wuxuu cadeeyay inay sheekadaas soo dhammaatay oo Puntland waajib ku tahay inay dhulkeeda ka difaacato duulaanka qaawan ee Hargeysa lagasoo abaabulay.

Dhinaca kale, wasiirkii hore ee warfaafinta Puntand, Soocadde, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Puntland iyo shacabkeedu ka ciyaareen soo dhoweynta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay inay muujinayso sida Puntland ugu taagan tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu soo dhoweeyay hirgalinta garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe iyo doorki Isimadu ka qaateen joojinta colaadii ka taagnayd konfurta gobolka Sool.

Halkaan ka dhegayso codka Soocadde.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this