Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweyne aad u badan ayaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxay kusoo dhoweeyeen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyey fagaaraha lagu soo dhoweynayey madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in nasiib wanaag tahay in madaxweynaha iyo xildhibaanno Labada aqal ay joogaan Gaalkacyo.

Waxa uu Xaaf sheegay in madaxweynaha uga fadhiyaan inuu reer Galmudug u dhiso jidka hobyo iyo Gaalkacyo, sidoo kalena wuxuu tilmaamay iney doonayaan in loo dhiso xabsiga Gaalkacyo.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfurta Gaalkacyo wuxuu uga mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isaga oo sheegay in taasi ay ka tarjumeyso dowlad jaceylka, midnimada iyo sidey reer Galmudug u jecelyihiin martida.

Waxaa lagu wadaa madaxweyne Farmaajo inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, waxgarad iyo madaxda maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/warka-madaxweynha-somaliya-oo-manta-gaaray-kunfurta-gaalkcyo-Galmudugsax-.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this