Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Puntland Iyo Somaliland Oo Ciidamo Badan Ku Daabulay Nawaaxiga Tukuaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhex mara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi.

Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in waxgaradkii ku howlanaa xallinta colaaddan ay ku guul dareysteen iney Labada dhinac ay nabadda ka dhaadhiciyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Warka-Tukaraq-By-Jaamac-Goobjoog-FM.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this