Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Wafdi isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb iyo mucaaradka oo …

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Goor dhow Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug wafdi Isugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Senator Jawaahir Axmed, Ahmed Macalin Fiqi,  Abdixakiin Macalin.

Waxaa sidoo kale Wafdiga Dhuusamareeb ka tagay ka mid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Wehliye.

Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal iyo General Suubxaanyo iyo Maxamuud Afgooye.

Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusa Mareeb oo ay ku Shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Dhuusa Mareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

3-15.jpg?resize=552%2C764&ssl=12-17.jpg?resize=552%2C310&ssl=11-17.jpg?resize=552%2C310&ssl=1

The post Sawirro:-Wafdi isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb iyo mucaaradka oo … appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this