Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka PSF Puntland oo ka hadlay sugida amniga madaxweynaha Soomaaliya iyo wafuudiisa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa sheegay inay kaalin xoogan ka qaateen sugida Amniga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Booqashadiisa uu Puntland ku marayo, taasoo haatan gabagabo ku dhow.

Qoraal kooban oo kasoo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in madaweyne Farmaajo iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen gudaha Puntland iyo haatanba aanay la kulmin wax dhibaato amni ah, iyagoo taas badelkeed dareemayay neecowda amni ee ka jirta Puntland iyo soo dhowayn aan kala joogsi lahayn oo illaa iyo haatan socoto.

Saraakiisha ciidanka PSF, waxay xaqiiyeen in ciidan aan ahayn ciidanka Puntland uusan sugayn ammaanka wafuuda madaxweynaha iyo meelaha uu booqanayay, marka laga reebo ilaalo kooban oo madaxweynaha uu watay.

Saraakiisha ciidanka PSF waxaa kale oo ay beeniyeen in habo yaraatee wax khatar amni ay ka jirto gobolka Bari gaar ahaan buuraha Galgala, halkaas oo ay sheegeen inay ciidamada difaaca Puntand ku baacsanayaan kooxaha argigxisada oo iyagu laftooda baxsad ah.

26231423_314551842372561_39589384826451426239804_314551895705889_895302954254178 26907550_314551832372562_205049191110938 26219565_314551839039228_901089308698064 26730670_314551662372579_445176495629569 26733673_314551942372551_914003669998917

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this