Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo xukunno ku ridday qof shacab ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukun-Alshabaab.jpg?resize=600%2C355

Ururka Al-shabaab ayaa xukun Karbaash ah ku riday mid kamid ah shacabka degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu eedeeyay kufsi.

Maxkmadda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose,ayaa xukuntay in boqol jeedal lagu karbaasho ,islamarkaana degmada laga musaafuriyo,Cabdi Axmed Abuukar oo ku eedaysan in uu kufsi u geystay gabar ku dhaqan degmadaasi

Fagaaraha xukunka laga fuliyay ayaa waxaa daawanayey boqollaal shacab ah oo isaga yimid xaafadaha degmada Kunturwaarrey,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar.

Al-shabaab ayaa sidoo kale eedaysanaha ku ganaaxday in uu bixiyo”qaalin geel oo xaal ah”,taasoo ku cusub xukunnada ay Al-shabaab riddo.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo xukunno ku ridday qof shacab ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this