Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay Kenya & Xaalad cabsi leh oo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaaden kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay dowlada.

Kenya ayaa sheegtay in weerarka ay qaaden maleeshiyaadka uu dhaawac kasoo gaaray Askar ka tirsan ciidamada iyo dad shacab ah oo xiliga weerarka ku sugnaa goobta.

Mwenda Njoka, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in gawaarida booliiska ah la weeraray ay maraayeen inta u dhexeeysa magaalada Mombasa iyo  Lamu.

Mr Mwenda Njoka, waxa uu intaa ku daray in weerarka lagu  dilay ugu yaraan laba ruux, halka dhowr askari oo booliis ahna la dhaawacay.

Waxa uu tilmaamay in weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaadka al-Shabaab, isla markaana uu ahaa weerar gaadmo ah.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ee weerarka fuliyay ayuu sheegay inay ku jiraan goobaha lama galaanka ah, waxa uuna meesha ka saaray in al-Shabaabka weerarka geystay ay ka fog yihiin goobaha uu ka dhacay falka.

Sidoo kale, ciidamada Kenya ayuu sheegay in looga fadhiyo gacan ku dhigista maleeshiyaadka weerarka qaaday, maadaama dareen cabsi leh ay muujinayaan dadka shacabka ah.

Dhinaca kale, Shabaab ayaa horay ugu dhawaaqday dagaal kadhan ah dowlada Kenya oo ay ku eedeeyen inay kusoo duulen Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

The post Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay Kenya & Xaalad cabsi leh oo taagan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this