Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug oo Muqdisho ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug.

Xildhibaankaan ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cismaan Ciro.

Xildhibaanka ayaa baryihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa xalay ku geeriyooday Xildhibaan C/kariin Maxamed Cusmaan (Ciro) oo kamid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Salaad Ceynte oo katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug Ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay Geerida ku timid Xildhibaan Ciro.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this