Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo “Waa in Galkacayo Ay Noqoto Meesha Ay Ka Billaabato Nabadeynta Iyo Dib u Heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay iney muhiim tahay ka shaqeynta nabadda iyo is dhexgalka bulshada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this