Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo mar kale magacaabay mas’uuliyiin ku cusub saaxada Siyaasada Somaliland (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh).

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

  1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  1. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  1. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
  1. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

The post Muuse Biixi oo mar kale magacaabay mas’uuliyiin ku cusub saaxada Siyaasada Somaliland (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this