Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Duqeyn diyaaradeed lagu dilay wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa DAACISH

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu baahiyay wargeysyada qaar ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed lagu dilay wiil uu dhalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ka barbar dagaalami jiray Daacish.

Duqeyn ka dhacday dalka Syria ayaa la sheegay in lagu dilay wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe oo ka barbar dagaalami jiray Daacish.

Wiilkaan lagu magacaabi jiray Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa kooxda Daacishta Syria ku biiray sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Daacish.

Wiilkaan uu dhalay Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale la sheegay in Maleeshiyada dhexdooda looga yaqiinay Abuu Shuceyb As-Somali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Sidoo kale, wiilkaan la sheegay in lagu dilay duqeynta ayaa sanadii 2012 isku dayay inuu ku biiro maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dhinaca kale, Dowlada Syria iyo dowladaha kale ee garabka u ah ayaan sheegin dilka wiilkan, markii laga soo tago wargeysyada kasoo baxa Syria oo qaarkood qoray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa ka jira in Duqeyn diyaaradeed lagu dilay wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa DAACISH appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this