Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Muqdisho oo lagu kala dhacay Xayawaanka loo yaqaan Diin-diinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dhacay Xayawaanka loo yaqaan Diin-diinka oo waayadani  danbe lagu kala iibsanaayay dhaqaale xoogan.

Dhaca Xayawaankan ayaa ka dhacay Degmada Waabari gaar ahaan eeryada xaafadaha Buunda koowaad, waxaana lasoo warinayaa in kooxda Hubeysneyd ay dhaceen laba Diin.

Diinka ayaa laga dhacay laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaa oo qorsheynaayay inay beeciyaan, hase ahaatee waxaa dhacay dhalinyaro meelo fog kasoo raacay.

Diinka la dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa nooca aadka loo baadi-goobo oo haddii la saaro taleefoonka gacanta daminaaya.

Dowlada Somalia ayaa horay uga digtay iibgeynta diinka oo la sheegay in marba marka xigta uu qiimihiisa cirka isku shareeraayay.

Dhinaca kale, dhaca labada diin ayaa noqonaaya kii ugu yaabka badnaa, waxaana aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Arrin cusub: Muqdisho oo lagu kala dhacay Xayawaanka loo yaqaan Diin-diinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this