Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Gaas & Xaaf ka dalbaday fulinta 2 arrin oo laga hirgalinayo Gaalkacyo (Maxay yihiin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira socdaalkiisa nabada ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadka degan magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwo isku calool fiyoow isla markaana ay ka muuqato wada shaqeyn.

Waxa uu Farmaajo sheegay in dhibta ugu badan ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ay tahay mid ay gacanta ku sameynayaan labada maamul, hase yeeshee dadka deegaanka ay yihiin kuwo u bisil nabada.

Madaxweyne Farmaajo oo booqday deegaano yaryar ayaa waxa uu halkaa ku arkay muuqaalo aan sidaa u wanaagsaneyn oo muujinaaya in magaalada Gaalkacyo ay tahay furun dagaal.

Madaxweynuhu waxa uu Hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in muuqaalka colaadeed ee ka muuqda qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo loo bedelo goobo bilicsan oo nabadeed.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo labada Hogaamiye ka dalbada fulinta laba arrin oo uu sheegay inay horseedi karto in magaalada Gaalkacyo ay gasho jawi nabadeed waxa ayna kala yihiin:

1-In labada dhinac ay si wada jira uga shaqeeyan hagaajinta goobaha ku burburay dagaalada.

2-In la burburiyo dhammaan waxyaabaha keeni kara colaada iyo in la sameeyo iska warqab labada ciidamood ah.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa labada Hogaamiye u sheegay inaanu wanaagsaneen in muddo intaa kasii badan lagu jiro colaado abuurikara dhiig hor leh oo data.

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ay weli ka muuqdaan calaamadaha ay abuureen colaadihii ugu danbeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo Gaas & Xaaf ka dalbaday fulinta 2 arrin oo laga hirgalinayo Gaalkacyo (Maxay yihiin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this