Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Soo dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxammed cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo maanta ka soo amba baxay Boosaaso ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo ayaan u kala harin soo dhoweyna madaxweyne Farmaajo,waxaana waddooyinka buuxiyey kumanaan isaga yimid xaafadaha magaalada oo ruxaya Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Puntland.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel ku labisan astaanta Calanka Qaran,iyagoo ka jawaabaya hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxammed cabdullahi Farmaajo oo si wadajir ah shacabka ula hadlay ayaa bulshada reer Gaalkacyo uga mahadceliyey soo dhoweynta.

Halkaan ka daawo soo dhoweynta.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Soo dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this