Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Goobjoog: Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ka Tirsanaa Daacish Ayaa La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa xaqijinaya in dalka Suuriya lagu dilay 29kii bishii Desember, 2017kii  Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa carruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Xuseen ayaa sanadkii 2013kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka DAACISH ama ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaana Goobjoog News u sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaradeed.

Wiilkan ayaa ka mid ahaa dadka ku biiray kooxda isaga oo asal ahaan ka yimid dalka Finland.

Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News,

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this