Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqtarka aqalka cad oo natiijo hordhac ah kasoo saaray caafimaadka maskaxda Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan.

Dhakhtarkan ayaa baaritaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.

Ronny Jackson,oo fuliyay baaritaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baaritaanada ay si wanaagsan u dhaceentrump-caafimaad-2.jpg?resize=696%2C435Dhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Talaadada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha.

Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su’aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.trump-baaris-1.jpg?resize=696%2C472

Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fiyoobeen.

Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano”. trump-baaris-2.jpg?resize=696%2C1142

Xigasho: BBC

The post Dhaqtarka aqalka cad oo natiijo hordhac ah kasoo saaray caafimaadka maskaxda Donald Trump appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this