Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Axmed Shaakir oo Xaliimo Yareey ugu tegay xabsi gurigii ay ku jirtay kana raali geliyay wixii qabsaday: Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) –Hoggaamiyihii xoogagaga Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Somalia, Sheekh Axmed Shaakir haddana ah guddoomiyaha fulinta Galmudug ayaa xabsi gurigii kasoo saaray Xaliimo Yareey oo shalay lagu xanibay magaalada Dhuusa Mareeb.

Sheikh Axmed Shaakir ayaa raali gelin buuxda siiyay Xaliimo Yareey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran, halkaasi oo ay u tagtay inay ku qabato shirarka wada tashiga doorashooyinka, hase ahaatee xabsi guri la geliyay.shaakir-xyareey-1.jpg?resize=696%2C464&sSheikh Axmed Shaakir ayaa sheegay in hal askari oo dhib gaarsiiya mas’uul qaran ay la mid tahay in dadkoo dhan dhibaato wada gaaray, sidaas darteedna ay ka raali gelinayaan wixii dhacay oo dib danbe aysan usoo noqon doonin.

Dhanka kale, Xaliimo Yareey ayaa ka aqbashay raali gelinta hoggaamiyihii Ahlu Sunna Sheekh Axmed Shaakir, iyadoo xalay dhalay ka noqotay, waxaana la faray in howsheedii sidii ay ugu talagashay inay u wadato.shaakir-xyareey-2.jpg?resize=696%2C464shaakir-xyareey-3.jpg?resize=696%2C464

The post Sheekh Axmed Shaakir oo Xaliimo Yareey ugu tegay xabsi gurigii ay ku jirtay kana raali geliyay wixii qabsaday: Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this