Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Somaliland oo sheegtay in Ciidankeeda lagu hareeraysanyahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada-Puntland-.jpg?resize=600%2C338

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland,Maxammed kaahin Axmed oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ciidamadii Somaliland ee qabsaday degaanka Tukaraq ay magaalada Garoowe u jiraan 70km.

Mudane.Kaahin ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay raadinayso in ay sugto xadkeeda oo uu sheegay in magaalada Garoowe u jiro 5mile oo keliyah,balse aysan weli soo gaarin xadka rasmiga ah,iyagoo ilaalinaya in shacabka Garoowe aysan qixin,sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaasi raaciyey in Somaliland aanay dagaal wadin,laakiin ay sugayso xadkeeda,wuxuuna dowladda Federaalka iyo Puntland ku eedeeyay in ay colaad hurinayaan.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ka cawday ciidamo uu sheegay in la soo duldhigay Ciidankooda ku sugan degaanka Tukaraq.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id.

PUNTLAND POST

 

 

The post Daawo: Somaliland oo sheegtay in Ciidankeeda lagu hareeraysanyahay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this