Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Xildhibaanada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalandoonta duulaanka maamulka Hargeysa kusoo qaaday Tukaraq.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada barlamaanka dowladda Puntand ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa maanta digniin xoogan kasoo saray cawaaqib xumada ka dhalan karta duulaanka maamulka Hargeysa kusoo qaaday magaalada Tukaraq.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland, Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa sheegay inuu kasoo dhamaaday dulqaadkii u lahaayeen maamulka Hargeysa, waxaa uu digniin xoogan ujeediyay cid walba oo uu Muuse Biixi u adeegsanayo in dhulkoodu beesha Isaaq xalaalaysto.

“Walaahi baan ku dhaartaye dhulkeena difaaciisa waan ku dhimanaynaa, waxaana loo socdaa oo aan ognahay in la tirtiro taariikhdeenii iyo magaceenii soo jireenka ahaa ee reer Sool, Wiil Hargeysa ka imid inuu maanta dhaho Gaowe ayaan tagayaa oo xuduudaydii ah, waa arrin ceeb ku ah reer Puntland oo idil,” ayuu yidhi xildhibaan Xaaji.

Halkaan hoose ka dhageyso codkooda.

      Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this