Deeq A. Posted January 13, 2018 Gadiidleeyda ka shaqeeya goballada Baay, Shabellaha Hoose iyo Banaadir ayaa sheegay in ku dhowaad Todobo Maalin ay ku xanniban yihiin inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gaadiidleyda dalka, Cadceed Cismaan Shuuriye ayaa sheegay iney ka shaqeyn la yihiin maamulka gobolka Shabellaha Hoose, oo doonaya in lacago aan sharci ahayn laga qaado gaadiidka. Waxa uu tilmaamay in askarta maamulkaasi lagu amro in lacagtaan laga qaado gaadiidka, haddii ay bixin waayaanna la dilo darawalka waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, maamulka degmada Afgooye ayeey sheegeen in isna uu lacag gaar ah ka qaato gaadiidka ku safra gobolka Shabellaha Hoose, islamarkaana waxay ugu baaqeen maamulka K/galbeed iyo dowladda Federaalka in arrintan ay wax ka qabtaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/CODADKA-GAADIIDLEEYDA-1.mp3Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites