Deeq A. Posted January 13, 2018 Munaasabad ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xarigga looga jaray dib u howgelinta garoonka diyaaradaha degmadaasi ee Ugaas Nuur. Wasiirka Koowaad ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo xarigga ka jaray garoonka ayaa u mahadceliyey cid walbo oo dedaalkaasi ka qeybqaadatay. Waxa uu sheegay wasiirk Shaakir in uu furan yahay garoonka , islamarkaana duulimaadyada ay si gudaha iyo dibadda ahba u bilaaban karaan. “Waxaan u mahadcelineynaa cid walbo oo dedaalkan sameysay, waxaan leenahay waad mahadsantihiin, wixii dhimanna dhammeystira, garoonkan waa mid caalami ah, xilliga dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad wuxuu ahaa mid aad u mashquul ah, waxaan rajeyneynaa inuu helo dhammeystir” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Ugu dambey, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in hay’adaha duulista hawada uu u furan yahay garoonka Ugaas Nuur ee degmada Dhuusamareeb. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites