Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo oo si weyn looga diyaar garoobayo soo dhowaynta madaxweynaha Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta ku jirta diyaar garow xoogan oo ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland, kuwaas oo saacadaha soo socda halkaas ka dagidoona.

Kumanaan shacab ah ayaa isugu tagay barxada madaxtooyada Gaalkacuo halkaas oo la filayo inay madaxda shacabka kula hadlaan, waxaana maanta guud ahaanba la fasaxay xarumaha waxbarashada dowliga ah iyo kuwo gaarka loo leeyahay, iyadoo magaalada guud ahaan laga dareemayo soo dhowaynta madaxweynaha.

Ciidamada qalabka sida Puntland iyo ayaa ammaanka si weyn usugaya , waxayna ku sugan yihiin meel kasta oo magaalada kamid ah, si u sugaan ammaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmo ku sugnaado magaalada Gaalkacyo, isagoo kulamo iyo shirar la qaadandoono bulshada Gaalkacyo.

26229395_1912541755442587_27407577608775

26231393_1275654855911825_64732173633828

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this