Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyroow, Banaadir ma bannaankaad ka joogtaa mise waa badbaadinee?

Recommended Posts

Deeq A.   

Isha hourmarka, xadaarada iyo astaanta qaranimada waa gobolka Banaadir, inkastoo haddane deegaanku la wada degan yahay ee qaranka ku teedsan yahay inta u dhaxeysa labada webi.

Gobolka Banaadir waxaa ku nool seddax milyan iyo bar oo heysan wax madalaad ah, halka gobolada reer guuraaga iyo qabaa’ilka aan wax soo saarka laheyn ay heystaan madalaad buuxda. Banaadir waa la dulmiyay, magaca dowladda dhexena jiritaankeeda waxa saldhig u ah Banaadir.

Dakhligeeda oo ay ka qadsan tahay waxaa maamula dowlad dhexe oo ku timid madalaada 4.5.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabistiisa si baqtiyaa nasiib ah u timid ayaa hortaagan inuu qabsoomo shiweynaha dib u heshiisiinta nabadeynta iyo aayaha Banaadir.

Haddii ay sameysato maqaamka iyo madalaada sharciga ah ee Xamar, Kheyre wuxuu ka welwelayaa inay daciifto awooda dowladdiisa, sababtoo ah waxaa dhalaneysa isla xisaabtan ku saleysan ku kala bax awoodaha dowladda dhexe iyo midda maqaamka Banaadir.

Hooyada iyo calosha qaranka waa Banaadir, waxayna naas nuujisaa inta caasiga ku ah oo aan daneyneyn horumarkeeda.

Banaadir wey badbaadee, bulshadeeda ayaana laga rabaa midnimo iyo dib u heshiisiin ay ku dhisaan maqaamkooda qaranimada iyo kooda deegaaneed.

Xamar waxay u dul qaadatay faragelinta siyaasiyiinta galtida ah, la nool nolosha reer guuraagaanimada bidaa’iga ah, awalna taariikhiyan ugu noolaa si barakac ah oo aan ka duwaneyn barakacayaasha maanta Xamar kusoo jabay.

Xamar waxay jiko u tahay oo laga quudiyaa gobolo sheegto maamul goboleedyo iyo siyaasiyiin ku adeegto magaca dowladda dhexe, xag wasiiro iyo baarlamaanba leh.

Guddoomiye Taabit waxaa la gudboon inuu guddiga dhiisha isaaga dhigo welwel la’aan, badbaadada Banaadir, horumarka Banaadir iyo maqaamka Banaadir, waxaa garabkiisa taagan bulshada Banaadir iyo inta deegaanka ku leh labada webi Jubba iyo Shabeelle oo ah mushtamaca doorka weyn ku leh wax soo saarka illane u ah nolosha iyo horumarka Somalia.

W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

The post Kheyroow, Banaadir ma bannaankaad ka joogtaa mise waa badbaadinee? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this