Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Farmaajo oo ka hadlay khilaaf Siyaasadeedka kusoo laalaabtay dowladiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay caqabadaha Siyaasadeed ee heysta dowladiisa, taa oo ay kala kulmeyso dhinacyo kale.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay jiraan caqabado Siyaasadeed oo ku horgudboon dowladiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in is qabqabsiga uu yahay waxa Somalia ka reebay dowladaha jaalkeeda ah.

Waxa uu Farmaajo sheegay in Soomaalidu ay wakhti danbe kusoo baraarugi doonaan dhibta ay leedahay caqabadeynta dowladaha doonaaya hagaajinta dalka ee soo maray iyo kuwa soo mari doona.

Waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowladiisa ay qabatay wax muuqda oo la taabankaro, sidaa aawgeed aan dowladiisa lagu tilmaami Karin mid liidata.

Waxa uu sidoo kale, xusay haddii aanay dowladdu horumar la imaanin inay ka faa’iideysan karaan cadowga dalka iyo dadkuba oo uu kala jeedo Ururka Al Shabaab.

The post Dhageyso: Farmaajo oo ka hadlay khilaaf Siyaasadeedka kusoo laalaabtay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this