Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ciidanka Kumaandooska Somalia howlgal ku burburiyey Saldhigii Alshabaab ee degaanka Leego

Recommended Posts

Deeq A.   

Leego (Caasimadda Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ku burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya  Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Saldhigga ayuu sheegay in uu ku yaallo degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo AL-shabaab ay maamulayeen tan iyo Bishii August ee Sanadkii hore.

Howlgalka Taliye Axmed Cabdullahi sheegay in ay fuliyeen jimcihii kuna beegsadeen Saldhigga Al-shabab ee Leego,halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab.

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa labaduba fuliya weerarro gaadmo ah oo dhinacyada ay isku qaadaan,waxaana dhinaca kasta ku faanaa in uu dhibaato u geystay dhinacii kale.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Alshabaab oo ku saabsan howlgalka lagu qaaday xarumahoodii degaanka Lego.

 

howlgal-3.jpg?resize=675%2C506&ssl=1howlgal-2.jpg?resize=640%2C482&ssl=1Howlgal-1.jpg?resize=640%2C482&ssl=1Danab-askari.jpg?resize=660%2C449&ssl=1

The post Sawiro: Ciidanka Kumaandooska Somalia howlgal ku burburiyey Saldhigii Alshabaab ee degaanka Leego appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this