Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Ciidamada Kenya Oo Isku Dayaya Iney Awood Ku Burburiyaan Guryo Ku Yaalla B/xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in degmadaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada Kenya iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha usoo galay degmada B/xaawo, waxaana ay sheegeen iney burburinayaan nguryaha ku yaalla halkaasi, iyaga oo sheeganaya iney iyagu leeyihiin.

Shacabkii ayaa isku soo soo baxay, islamarkaana waxay bilaabeen dibadbaxyo ay ku doonayaan iney ku joojiyaan boobka dowladda Kenya ka waddo B/xaawo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay rasaas xooggan ku fureen dadka shacabka ah si ay u kala eryaan, waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Codka-Balad-Xaawo.mp3

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this