Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Oo Booqanaya Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa booqanaya dalka Masar todobaadka soo socda isaga oo hogaaminayo wafdi heer-sare ah oo ka kooban wasiiro itoobiyaan ah .

Warkaan ayaa waxaa baahisay wargeys ay leedahay dowladda Masar shalay oo Jimco aheyd balse madaxda Masar iyo kuwa Itoobiyaba si rasmi ah uma sheegin booqashada iyo maalmaha ay qaadaneyso. Wargeyska ayaa waxaa uu qoray in Hailemariam Desalegn uu la kulmi doono inta booqashada uu ku gada jiro madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-siisi iyaga oo ka wada hadli doono waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku saabsan arrinta biyo xireenka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa ay kawada hadli doonaan arrimaha ku saabsan gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay tahay in la isla wadaago iyo iskaashiga la dagaalanka argigixisada, waxaana la filayaa inta booqashada ay socoto in la saxiixdo heshiisyo iskaashi oo ay kala saxiixanayaan labada dal kuna qotoma dhinacyada kala duwan.

Masar waxaa todobaadkii hore tagay madaxweynaha  Eritrea Isaias Afwerki arrintaas oo Itoobiya iyo Suudaan ay ka xumaadeen.

Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Nile-ka kadib markii Itoobiya sameysay biyo-xireen dhibaato ku ah xisada biyaha ee Masar.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this