Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in isu dhiibay dowladda Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Alshabaab-Sarkaal.jpg?resize=600%2C400

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu isu dhiibay Ciidanka Xoogga dalka qeybtooda ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Xasan Cali,ayaa in muddo ah ka tirsanaa ururka Al-shabaab,waxaana Wakaaladdu ka soo xigatay sarkaalkan,in Al-shabaab khilaaf ka dhex abuurmay,kadib markii ay kala shakiyeen,islamarkaana haatan ay dhexdooda is-dilayaan.

Sida Wakaaladda SONNA sheegtay ninkaan ayaa Al-shabaab ka soo goostay,kadib markii uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ka soo wajahday dhinaca Al-shabaab. Ma jirto cid ka madax-bannaan SONNA oo warkaan xaqiijisay.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in isu dhiibay dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this