Deeq A. Posted January 12, 2018 Ankara ( Sh. M. Network )-Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis Ganacsi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee xarunta Dalkaasi. Heshiiskan ayaa waxaa uu dhexmaray Ra’’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga. Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah dhoofinta Muuska, Liinta qalalan, Sisinta iyo Kalluunka, taas oo muhiim u ah Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, waxaana Turkiga Soomaaliya uu ka taageeraa dhinacyo kala duwan, sida dhismaha Ciidanka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo arrima kale. Hehiiskan cusub ayaa fursad siinaya Beeraleyda dalka, oo ka faa’ideysan doono Mashruucan, iyadoona wax soo saarka dalka loo iib geyn doono dalkaasi Turkiga. Source: Shabelle News Network Quote Share this post Link to post Share on other sites