Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Deegaanka oo Biyo-xireen cusub ka dhagaxdhigtay Togga Hodaal ee degmada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa maanta biyo xireen ka dhagax dhigtay togga Hoodaal oo kuyaala duleedka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Biyo xireenkan ayaa kamid ah qorshaha wasaarada Deegaanku ay ugu jirto latacaalida saamaynta isbedelka cimilada oo ay kamid tahay Biyo-yaridu, Waxaana dhagax dhiga biyo xireenka cusub ka qaybgalay madax ka socotay wasaarada Deegaanka iyo maamulka gobolka Nugaal.

Agaasimaha waaxda la tacaalida isbedelka cimilada ee wasaarada Deegaanka Maxamed Ciise Maxamed oo ka hadlay dhagax dhiga biyo xireenkan cusub ayaa sheegey in biyo xireenkan la rajanayo inuu halkii marba qabto in kabadan 15Milyan oo Litir oo biyo ah kuwaas oo awal khasaari jiray, Maxamed Ciise dhanka kale wuxuu sheegey in biyo Xireenkan ay ka faa’iidaysan doonaan dadka ku dhaqan dhulka miyiga ah, barkacayaasha ka dhow deegaanka iyo dadka magaalada Garoowe iyadoo loo samayn doono qaab wanaagsan oo biyaha lagu maamuli doono.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad ayaa siwayn usoo dhaweeyey in wasaarada deegaanku ay Biyo-xireenkii Sadexaad ka dhisayso gobolka Nugaal waxaana ay sheegeen inay ilaashan doonaan Biyo Xireenka islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa’iidaystaan.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa sheegey in biyo xireenkan si degdeg ah dhismihiisa loo bilaabi doono waxaana uu sheegey in dhismaha biyo xireenkani uu  waxkabadali doono nolosha dadka, xoolaha iyo Duurjoogtaba waxaana uu dadweynaha deegaanka kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyo xireenkan, Agaasimaha wasaarada Deegaanku dhanka kale wuxuu sheegey in wasaarada deegaanku ay sii laba jibaari doonto qorshaha ay ka leedahay in bulshada biyaha loo qabto si looga boxo biyo yarida iyo oonka.

1-5.jpg 2-6.jpg 3-3.jpg 4-3.jpg 5-2.jpg 6-1.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this