Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa dagaal kala horyimid askar ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka soo gudbay Xadka,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dagaal ayaa bilowday,kadib markii askar ka tirsan ciidamada La-dagaallanka Aragagixisada ee dalka Kenya oo afka soo duubtay ay ka soo tallaabeen soohdinta degmada Ceelwaaq ay la wadaagto waddanka Kenya.Ciidanka Soomaalida ah ayaa ka shakiyey kuwa kenya,sida ay wararku sheegayan.

Dadka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa soo sheegay in Ciidamada kenya oo ku hubaysan saddex kamid ah gaadiidka dagaalka ay magaalada ka soo galeen dhinaca Xadka,kadibna ay rasaas is-weydaarsadeen ciidanka dowlada.
Shacabka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ciidamada Kenya ay wateen Calanka Al-shabaab xilliga ay ka soo tallaabayeen Xadka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa dagaalka ka dhashay,inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn,balse waxaa la xaqiijiyey in halkaasi u ku dhintay sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Yuusuf (Ilka Case).

Dowladda Kenya oo war ka soo saartay dagaalka ayaa beenisay Ciidankeeda ay mas’uul ka yihiin dagaalkaas.

PUNTLAND POST

 

The post Dowladda Kenya oo dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this