Sign in to follow this  
Deeq A.

Ceel-waaq:  Askari Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Dagaal Dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari Soomaali ah ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay isku weydaarsadeen magaalada Ceel-waaq ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya .

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee deegaankaasi isku dhaca labada ciidan waxaa uu imaanayaa kadib markii ciidamo hubeysan oo Kenyaan ah ay aroortii hore ee saaka ka soo dhaqaaqeen Ceel-waaq Kenya una soo gudbeen Ceel-waaq Soomaaliya taasina ay keentay in ay kala shakiyaan labada ciidan, halkaasina uu dagaal ku dhex-maray.

Ciidamada Kenya oo hubeysan waxaa ay lug ku soo socdeen 15 KM, dagaal kadibna isla waddadii ay dib ugu noqdeen.

Lama sheegin, ujeedka ay lahaayeen ciidamada Kenyaanka, wixii ku soo kordha la soco, wararkeenna dambe.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this