Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxooti ka soo laabtay lix dal oo Soomaaliya dib ugu noqday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay(UNHCR), ayaa sheegtay Khamiistii in ay si iskood ah dib ugu celisay 110,913 qaxooti Soomaali ah oo ka kala yimid lix waddan tan iyo markii uu bilowday Qorshaha dib u celinta bishii December ee sannadkii 2014.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay  in bishii December ee sannadkii tegay   75,297 qaxooti Soomaali ah ay ka soo laabteen dalka Kenya,halka waddanka Yemen ay ka soo noqdeen 34,990 qaxooti Soomaali ah.

Sidoo kale 626 qaxooti Soomaali ah ayaa ka soo laabtay dalalka ay kamid yihiin;Djibouti, Eritrea,iyo Tunisia,sida warbixinta lagu xusay.

PUNTLAND POST

 

 

The post Qaxooti ka soo laabtay lix dal oo Soomaaliya dib ugu noqday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this