Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magalaada.

1P2A2496.jpg 1P2A2581.jpg 1P2A2452.jpg 1P2A2465.jpg 1P2A2673.jpg 1P2A2734.jpg 1P2A2671.jpg 1P2A2739.jpg 1P2A2788.jpg 1P2A15869.jpg 1P2A15861.jpg 1P2A2792.jpg 5I2A0057.jpg 5I2A0111.jpg 5I2A0397.jpg 5I2A0537.jpg

1P2A1586.jpg

sxs2

1P2A158.jpg 5I2A0662.jpg 5I2A0657.jpg 1P2A1630.jpg 1P2A1630r.jpg 1P2A1613r.jpg 1P2A1613.jpg 1P2A1593.jpg 1P2A1724.jpg 1P2A1684.jpg 1P2A1742.jpg 1P2A1800.jpg 1P2A1797.jpg 1P2A1775.jpg 1P2A1763.jpg 1P2A2030.jpg 1P2A1911.jpg 1P2A2062.jpg 1P2A2140.jpg 1P2A2127.jpg 1P2A2097.jpg 1P2A2091.jpg 1P2A2089.jpg 1P2A2243.jpg 1P2A2158.jpg 1P2A2177.jpg IMG_0203.jpg 1P2A2751.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this