Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Faraweyne oo si adag uga hadlay xiisada Somaliland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo wareysi siiyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inuu socdo diyaar garow maamulkiisu ugu jiro ka jawaabida duulaan uu sheegay Ciidamo ka amar qaadanaya Somaliland ay ku qabsadeen maalmo ka hor magaalada Tuko raq oo ka tirsan Gobolka Sool.

Cumar Faraweyne oo ka warbixiyay kaalinta dadka Gobolka Nugaal ka ciyaarayaan difaaca Puntland ayaa hanjabaad kulul u direy maamulka Somaliland wuxuuna sheegay inuu Puntland kasoo dhamaanayo dulqaadkii 10 sano ka hor Somaliland ku qabsadeen magaalada Laascaano ee xarunta Gobolka Sool.

Wariyaha PUNTLAND POST ee Bosaso Cabdiqani Boos ayaa waydiiyay suurto galnimada Puntland inay tixgalinayso baaqyadda xiisadda ay kasoo saareen Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka iyo In kale, wuxuu sheegay  in lagu guuldareystay taas bedelkeedana ay jabiyeen Madaxda Maamulka Somaliland.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli laga dareemayo saansan dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh goobo ka tirsan Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Puntland iyo Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Cumar Faraweyne oo si adag uga hadlay xiisada Somaliland iyo Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this