Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliiska Kismaayo ee Jubbaland oo lagu la’yahay Nolal iyo Geeri.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar ay baahisay Idaacadda kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa lagu  sheegaya in maamulka Jubbaland ay nolal iyo geeri ku raadinayaan Taliyihii Ciidamada Booliiska Jubbaland ee magaalada Kismaayo oo muddo ka hor la waayay.

Taliyahaan oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Naasir ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay howlo dhex-dhexaadin ah u joogay deegaanka Diif ee gobalka jubada Hoose waxaana la socda Ciidan kale kuwaas oo sidoo kale aan lla heynin nolal iyo geeri sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Jubbaland iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee jubooyinka ayaa KNN u sheegay in Taliyaha ay la maqan yihiin Saraakiil kale oo ka tirsan Booliiska Jubbaland.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay jiraan saraakiil ka tirsan Maamulka Jubaland oo ay Al-shabab nolal ku qabteyn, waxaana loo maleynayaa in ay ragaasi ka mid yihiin Saraakiisha ka maqan Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Taliyihii Booliiska Kismaayo ee Jubbaland oo lagu la’yahay Nolal iyo Geeri. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this