Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha oo dhinaca dhulka ah waxaa ku wehlinayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas),wasiiro iyo xildhibaanno ka kala tirsan golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga sii amba bixi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga.

Magaalada Bosaaso ayaa lagu arkayaa boorar ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Calanka Jamhuuriyadda oo ka babanaya inta badan magaalada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this