Deeq A. Posted January 11, 2018 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka amba bixi doonaan magaalada Qardho oo shalay ay gaareen. Inta madaxweyne Farmaajo ku sugnaa magaalada Qardho ayaa kulamo wuxuu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan magaaladaasi laga dareemayaa diyaar garowga ay shacabka u galeen iney soo dhoweeyaan madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna socdaalkan qeyb ka yahay socdaalka uu madaxweynaha ugu magac daran socdaalka nabadda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites