Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka amba bixi doonaan magaalada Qardho oo shalay ay gaareen.

Inta madaxweyne Farmaajo ku sugnaa magaalada Qardho ayaa kulamo wuxuu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan magaaladaasi laga dareemayaa diyaar garowga ay shacabka u galeen iney soo dhoweeyaan madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna socdaalkan qeyb ka yahay socdaalka uu madaxweynaha ugu magac daran socdaalka nabadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this