Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Saaka ku soo wajahan Magaaladda Bosaso ee Gobalka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan deegnada Puntland ayaa saaka lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari.

Socdaalka Madaxweynaha waxa ku wahelinaya Madaxweynaha Maamulka Puntland  Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin ka tirasan golayaashiisa dawlada.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay u hoyday magaalada Qardho ayaa socdaalkiisa ka soo bilaabaya deegaanada waaciyo .Carmo iyo Ceel-daahir waxana uu Madaxweynhu booqan doona Akadamiyada Ciidamada Booliska soomaliyeed ee ku taala degmada Carmo inta ka dibana uu madaxweyne Farmaajo waxa sida oo kale uu  booqan doona wadad isku xirta Ceel-daahir iyo Ceergaabo oo hada dhismeheedu socdo sida warar hordhac ay ku helayso Warbaahinta Puntland Post Xafiiskeeda Bosaso.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Magaalada Bosaso ayaa si weyn looga dareemaya boqolal shacab aha oo wata Calamada Puntland iyo kan dalkeena soomaliya ayad ku arkaysaa wadooyinka Magaalaada ku waas oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo iyo waftida uu horkacayo.

dhanka kale war ka soo baxay Maamulka degmada Bosaso iyo Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhamaan lagu hakiyey gadiidkii ka bixi jiray ama soo gali jiray Bosaso mudada ay socoto soo dhaweynta madaxweynaha soomaliya  waxana sida oo kale shacbka ay ka codsadeen in ay la shaqeeyan Ciidamada Booliska gobalka Bari sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo Amaanka khal khal galinya.

sikastaba ha ahaatee soo dhaweynata Madaxweynaha qaranka soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si weyn waxa looga dareemayaa dhamaan deeganada iyo Dagmooyinka ku teedsan dhanka laamiga ee Gobalka Bari.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Saaka ku soo wajahan Magaaladda Bosaso ee Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this