Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo khaarijiyay Horjooge ajnabi ah oo xil sare ka hayay Al-Shabaab + Magaca iyo Xilka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa toogasho ku dilay Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, kaa oo la sheegay inuu hayay xil muhiim ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kumaandooska Somalia ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooska ay dileen Madaxii Tababarada Shabaab, xili ay howlgal gaar ah ka fulinayeen degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada ay waayadan ku daba jireen Horjoogaha al-Shabaab u qaabilsan Tababarada, hase ahaatee ay iminka khaarijiyeen.

Horjoogahan la dilay ee maleeshiyada u qaabilsanaa Tababarada, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Zubeyr Almuhaajir iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Cumar.

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa Saraakiisha Ajaanibta Al-shabaab ka bar bar dagaalanta, Sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Dhinaca kale, Sarkaalkan ka tirsan Kumaandooska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu beegsanaayo Horjoogayaasha xilalka sare ka haya al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ciidamada DF oo khaarijiyay Horjooge ajnabi ah oo xil sare ka hayay Al-Shabaab + Magaca iyo Xilka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this