Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari Ciidan oo Shil khasaaro geystay ku galay duleedka Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   
gaari.gif?resize=600%2C532Gaariga Ciidan ee shilka galay

Hal Askari ayaa ku dhintay Sagaal kalana waa ay ku dhaawacmeen shil Gaari oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Gaariga shilka galay oo ah nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile ayaa la socday Kolonyo gaadiid ah oo u socday  Degmada Carmo, kuwaas oo loogu talagay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi farmaajo oo maalinta Beri ah ku wajahan Degmadaas.

Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa la gaarsiiyay dhaawaca askartii shilkaas ku wax yeeloobay oo qaarkood ay qabeen dhaawacyo culus, waxayna ahaa yeen ciidamo Boolis ah oo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdirisak Shiikh Aduunyo oo kamid ah Gudiga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Degmada Carmo ayaa shilkan u xaqiijiyay PUNTLAND POST.

PUNTLAND POST

The post Gaari Ciidan oo Shil khasaaro geystay ku galay duleedka Bosaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this