Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Toosinta Puntland oo soo dhaweeyey Imanshaha Madaxweynaha Soomaliya ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso[Puntland Post]-War-saxafadeed ay si wada jir ah u soo saareen sayaasiyiiinta ku midayasan Madasha Toosinta Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska Puntland Post ee Bosaso ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee Puntland iyagoona sida oo kale soo dhaweyey imanshaha Madaxweynaha soomaliya ee deegaanada Puntland.

Madasha Toosinta Puntaland waa madalsiyaasadeed oo isbedeldoona, islamarkaana xanbaarsana ragti Siyaasadeed oo Qaangara ah kuna dhisan mabda&fikir dib u curasha Dowladnimo, taaso ay sal u tahey a ragtiwadaag,wadalahaansho, midnimo&wadanjaceyl.

Madashu waa mid kamarandeegameysi&ninjecleysi, Madashatoosinta Puntland waxey fursadsiineysa jiilka cusub ay qeyb uga noqdaan

Madasha toosinta Puntland oo sadexdii cisho ee ugudanbeysey shir uga socdey magaalo madaxda gobalka bari ee Boosaso, kaaso diirada lagu saarayey xaalada siyaasadeed ee Puntland, waxey madashu shirkaas ka soosaartey warurtiyeedkan.

AKhriso Qodobada Warmurtiyedka Madasha Toosinta Puntland

MadashaToosinta Puntland waxey sidiiran u soodhaweyney Safarka taarikhiga ah ee uu kuyimi MaxweynahaJamuuriyada Federaalka Soomalia Mudane Mohamed Abdulahi Farmaajo ee deeganada Puntland, Mudane madaxweyne kusoodhawoow dhulka uduga.

MadashaToosinta Puntland waxey baaq Nabadeed u direysa Guud Beelahawadadaga ee xurguftu kadhaxeyso waxeyna leedahey ‘’Walaalayaalaynu kudedaalno nabada kudhisan cadaalada, iyadoo loo marayo xalinta khilaafadka jidka wadahadalada ee nabada, nabadbaanaas la nuugoleh.

Madasha Toosinta Puntland waxey shacabka Puntland ku dhiirigalineysaa ineyilaashadaan amniga&kaladanbeynta, islamarkaana meel uga soowada jeedsadaan cidsta oo wax yeeleneysa wadajirkooda&wadanoolashahooda
MadashaToosinta Puntland waxey saluug santahey qaabkIi loogaley heshiiskii dekada looguna wareejiyey DP World, kaas oo dhaawacaya ganacsiga xorta ah ee Puntland, mana aha mid waafaqsan heshiisyada caalamiga ah.

MadashaToosintaPuntlandwaxeydhaliilsantaheyqaabsiyaasadeedkakuxumadahaadanjirtaeeuuhogaamiyoMudaneMadaxweyneAbdiwaliGaas, Taasolehdhaliiloaad u badan.

MadashaToosinta Puntland waxey masiboqaran u aragta kaluumeysiga sharcidarada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland, taaso ay sharciyeysey xukumada haatanjirta.

MadashaToosinta Puntland waxey fursad siineysaa dhalinyarada Puntland oo ay u aragto iney yihiin mulkiiyaasha dalka, waxeyna ku dhiirigalineysa iney qeyb ka noqdaan hogaanka dalka.

Madasha Toosinta Puntland waxa ay Maamulka Soomaliland ugu Baaqaday in ay joojiyaan Colaada ay ka abuurayaan Gobalka.

Madasha Toosinta Puntland waa mid u furan shacabka reer Puntland, weyna Soo dhaweyneysa cidkasta oo daneyneysa kamid ahaanshaheeda.

The post Madasha Toosinta Puntland oo soo dhaweeyey Imanshaha Madaxweynaha Soomaliya ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this