Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: “wixii ka dhaca Tukaraq, C/Wali Gaas ayaa mas’uul ka ah”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid dhinaca Puntland oo ahayd in Maamulka Somaliland ay taageerayaan Al-shabaabka dagaalka kula jira Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Tukaraq ay ka mid tahay degaannada Somaliland islamarkaana Ciidamada ay ka fushadeen dan ay halkaas u tageen.

Wxaaa uu xusay in xudduuda Somaliland iyo Puntland ay 7km u jirto Garowe islamarkaana aysan Somaliland ilaa hadda xadgudub geysan.

Baashe ayaa ka digay in haddii colaadda Tukaraq sii korodho in wax laga weydiinayo Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa uu xusay in Somaliland ku mashquulsantahay dhimaha iyo horumarinta degaannadeeda islamarkaana aysan diyaar u ahayn dagaal ay la gasho Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay Somaliland ku eedeeyay in dagaalka Tukaraq ay ku garabsiinayaan Al-shabaab,taas ooo uu ku sheegay in ay dhibaato ku keeni doonto amniga labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Somaliland: “wixii ka dhaca Tukaraq, C/Wali Gaas ayaa mas’uul ka ah”. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this