Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia oo ku kulmay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuse_Biixi_Danjire_Keating-1.jpg?resizeHargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, Waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimo uu ka mid ahaa; sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.

Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen, waxana markii uu soo dhammaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii la isku af-gartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo tilmaamay inay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

“Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayan uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, Waxaanan rajaynaynaa in xiriirkii wanaagsanaa ee wadashaqayneed ee aynu la lahayn QM uu halkaas kasii socon doono,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Eargayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Michael Keating oo isna hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo ujeeddada booqashadiisan uu ku tagay Somaliland, isagoo sheegay inay isku af-garteen wixii ay kawada hadleen oo dhan.

“Halkaan waxaanu u nimid inaan kulan la Qaadanno Madaxweynaha cusub ee Somaliland, waxaanan kulan uga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin; Xukuumadda cusub iyo hawlaheeda iyo sidii aan reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa Madaxweynaha cusub ee ay doorteen sannadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siinno qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka-hor-tagga abaaraha, shaqo-abuurka da’yarta, Xoojinta Caafimaadka iyo Waxbarashada. Madaxweynahana waxaan u sheegay inay Qaramada Midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira.”

Ugu dambeyn, boqashada danjire Keating uu ku tagay Somaliland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Somaliland ay dooratay madaxweyne cusub, Sidoo kalena dhawaan lasoo wareejiyay hawada Somalia oo ay Somaliland si aad ah uga fal-celisay. Muuse_Biixi_Danjire_Keating-2.jpg?resizeMuuse_Biixi_Danjire_Keating-3.jpg?resizeMuuse_Biixi_Danjire_Keating-4.jpg?resizeMuuse_Biixi_Danjire_Keating-5.jpg?resizeMuuse_Biixi_Danjire_Keating-6.jpg?resize

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia oo ku kulmay Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this