Deeq A. Posted January 10, 2018 Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dabley hubeysan oo gaadiid isbaaro u dhiganayey. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan, Xuseen Cismaan Muumin ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu dhacay kadib markii ciidamada ammaanka lagu soo wargeliyey koox hubeysan oo dhac u geysanayey gaadiid marayey xaafadda Howlwadaag ee B/weyne. Waxa uu guddoomiye ku xigeenka xaqiijiyey in raggan ay rasaas kala hor yimaadeen ciidamada ammaanka, waxaana halkaasi ku dhaawacantay Afar qof oo Saddex kamid ah ahaayeen raggii gaadiidka baaranayey. “Ciidamada xoogga dalka waxay aadeen burcad gaadiid ku haystay xaafadda Howlwadaag, waxay doonayeen in gaadiid badan ay baartaan, khasaare ayaa soo gaaray, qaarna gacanta ayaa lagu hayaa kuwo kalena waa la daba joogaa” ayuu yiri Muumin. Ugu dambey, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin cid walbo oo carqalad ku haysa amniga gobolkaasi. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites