Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay iyo faahfaahin laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay Gaari uu lahaa Abshir Maxamed Maxamuud Abshir Kaaraan gudoomiye ku xigaynka dhanka amniga iyo siyaasada Degmada Hiliwaa Ee gobolka banaadir.

Gaarigaan ayaa qaraxa lagula eegtay Inta udhaxaysa isgooska soos iyo shaneemo Cabdi Waayeel.

Xiriir aynu la sameenay gudoomiya ku xigeenka gaarigiisa qarxay oo ka badbaaday ayaa dalsan uxaqiijiyay in uu bad qabo balse qaraxa gaarigiisa loogu xeray

Ciidamada amaanka dagmadaas ayaa billaabay hoolgalo baaritano ah oo ay ka sameynayaan halka uu qaraxa ka dhcay

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen.

Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa xilliyada qaar sidan oo kale waxaa uga dhaca qaraxyada miinada ah ee Shabaab ay sheegtaan masuuliyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay iyo faahfaahin laga helay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this