Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hargeysa oo ciidamo hor leh kusoo daabulaya degmada Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay Puntlandi maanta ka helayso degmada Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in maamulka Hargeysa uu ciidamo hor leh kusoo  daabulayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Warsidaha Puntlandi oo la hadlay goobjooge, ayaa u sheegay in labadii habeen ee u dambeysay maamulka Hargeysa uu ciidamo kusoo daabulayay Tukaraq, iyagoo farriisimo ka sameystay meel 10km ka jirta dhinaca magaalada Garowe, halkaas oo sidoo kale aysan ka fogayn ciidanka Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay jawaab xoogan ka bixindoonto duulaanka lagusoo qaaday Tukaraq sida uu xalay warbaahinta ka sheegay madaxweyne Gaas.

Wixii faahfaahin oo dambe kala socda Puntlandi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this